|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|||||
|
Saturday, June 06, 2009
Imaam Axmed oo qabsaday dhulkii Boqortooyada Xabashida C/Rasaaq Xaashi
Markii uu dhamaaday dagaalkii weynaa ee Shimbira Kore, Imaam Axmed iyo ciidankiisuna ay wiiqeen awoodii ciidankii ka soo horjeedey ee boqortooyada Ethiopia, waxaa soo ifbaxay dhowr arimood oo muhim ah, ayna lagama maarmaan ahayd in ay ciidanka guulaystay ku dhaqaaqaan fulintooda:
Arimaas dhowrka ah iyo kuwo kale oo aynaan koobinba waxay noqon kareen kuwo aad moodeysey in ay ahaayeen waxyaabihii ka dhex guuxayey horjoogayaashii ciidanka Imaamka iyo hogaamiyahoodii xoogga iyo xikmadaba badnaa, Imaam Axmed Ibn Ibraahim (Gurey).
Imaam Axmed iyo ciidankiisuba waxay markiiba foodda saareen dhulkii ay horay u maamuli jireen saldanadihii muslimiinta ee laga itaal roonaaday kal hore, kuna hoos jirey maamulkii boqortooyada Xabashida. Dhulkii uu markiiba gacantiisa soo geliyey Imaam Axmed waxaa kamid ahaa goboladii Bali, Hadya, Sidamo iyo dhulkii Guragada. Sanadkii 1535kii Imaam Axmed wuxuu wada hantay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Ethiopia.
Xilligaas uu Imaamku gaaray, xoreeyeyna dhulalkii horay looga haystey Muslimiinta, boqorka Ethiopia, Lebne Dengel iyo ciidankiisuba waxay dib ugu gurteen gudaha dhulka Amxaarada, waxayna ku jireen abaabul ballaraan oo ay hub iyo ciidan fara-badan oo ay kaga hortagaan ciidanka Imaam Axmed ku ururinayeen. Isla sanadkaas 1535kii, boqor Lebne Dengel markii uu arkay in xaaladdu ay ku adagtahay ciidankiisa, uuna yaqiinsaday in uusan u babac dhigi karin ciidanka Muslimiinta reer Awdal, wuxuu gargaar milateri u dirsaday xaliifkiisii istraatiijiga ahaa ee boqortooyadii Portuguese-ka.
Wuxuu boqorku, Lebne Dengel, ka codsaday nin la oranjirey John Bermudes oo kamid ahaa khubaro Portuguese ah oo horay u joogey Ethiopia in uu xaalka qallafsan ee boqortooyada Abyssinia ay ku sugantahay uga warbixiyo Portuguese-ka, uuna ka gaarsiiyo in loo baahanyahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo intii ka harsanayd dhulkii uu ka talinayey oo si tartiib tartiib ah gacantiisa uga wareegayey. (Islam in Africa, by professor Mohamud Brelvi, published by Institute of Islamic Culture, Lahore Pakistan. Feb. 1964)
Waxay inta badan buugaagta wax ka xusa taariikhdan ay qoraan in ciidanka uu Portuguese-ku gurmad ahaanta u soo diray ay ahaayeen 400 oo ciidan oo aad u qalabaysan; laakiin marka aad eegto awoodda ciidankii loogu talagalay in ay ka hortagaan ee Imaam Axmed Gurey, waxaa suurtogal noqon karta in ciidanka Portuguese-ku ay intaas ka badnaan kareen. Sandkii 1541kii waxaa xeebta Misawa ka soo degey ciidan uu Portuguese-ku u soo diray boqortooyada xabashida, uuna hogaaminyey wiil uu dhalay bad-mareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gamma oo lagu magacaabi jirey Christopher da Gamma.
Boqorkii Ethiopia, Lebna Dengel, wuxuu geeriyooday sanadkii1540kii isaga oo dhuumaalaysi ku jira intii aanay soo gaarin gurmadkii uu Portuguese-ku u soo diray, si ay qayb uga noqdaan ciidankii boqrku ku daafici lahaa dhulkii Tigre-Amxarada ee ay Imaam Axmed iyo ciidankiisu dhex mushaaxayeen.
Geeridii Imaam Axmed Ibrahim (Gurey)
Markii uu ku geeriyoodey boqor Lebne Dengel, Debra Libanos sanadkii 1540kii, loona awood sheegtay ciidankiisii, waxaa taajka boqortooyada ku soo boodey, markiisa, wiilkii uu dhalay oo lagu magacaabi jirey Galawdewos (1540-1559). Boqorkan dhallinyarada ah, da'diisuna ahayd 25 sano, wuxuu taajka boqortooyada uu qaaday xilli inta badan dhulkii ay ka talin lahayd boqortooyadiisu ay gacanta ugu jirto ciidankii muslimiinta reer Awdal ee uu hogaaminayey Imaam Axmed. Waxaa sida muuqata hortaaley boqorkan cusub hawl aad u dhib badan, ayna adagtahay inuu si sahlan uga gudbo.
Dhinaca kale, Culyskii iyo duullaanadii faraha badnaa ee ciidanka Imaamku ay ku hayeen dhulkii Xabashida wuxuu ku khasbay ciidankii iyo dadkii taabacsanaa boqortooyadu in ay heli-waayaan fursad ay dab ku shitaan (iyagoo ka cabsi qabay in ay bartilmaameed u noqdaan ciidanka Imaamka) si ay isaga kariyaan hilibka xoolaha; taasina waxay sabab u noqotay in ay hilbaha ku cunaan ceeriinka halkii ay ka karsan lahaayeen, arintan oo dhaqan ahaan illaa hadda uga jirta qaybo kamid ah dhulka Ethiopia.
Boqorka Abyssinia, boqor Galawdewos, wuxuu markiiba bilaabay in uu isu soo dumo ciidankii uu ka geeriyoodey aabihiis, Lebne Dengel, oo iyagu ku kala firxaday dagaaladii ay isaga horyimaadeen ciidankii Imaam Axmed. Dhanka kale, sidii aan horay u soo xusnayba, waxa ay ciidankii Portuguese-ku, oo ay la socdaan ciidan Xabashi ah oo ay soo abaabushay haweenaydii uu ka geeriyoodey boqor Lebne Dengel, laguna magacaabi jirey Sabla Wangal, ay u soo dhaqaaqeen goobihii uu ka socdey dagaalku.
Waxaa markiiba dib usii laba kacleeyey dagaaladii ay ciidamada Imaam Axmed iyo kuwa boqortooyadii Xabashidu isaga soo horjeedeen. Dagaalkan, oo isagu yeeshay waji ka gedisan kuwii dagaaladii hore ay lahaayeen, wuxuu markan isu bedeley mid u dhexeeya ciidankii Imaamka oo dhinac ah iyo ciidan xulafa ah, kana kooban Portuguese iyo Xabashi, oo iyaguna dhinaca kale ka soo safnaa. Dagaallo dhowr ah oo dhex maray labada ciidan kadib, waxaa u suuragashay ciidanka Imaam Axmed in ay nolol ku qabtaan isagoo dhaawac ah, kuna dhuumaalaysanaya kaynta, kadibna ay ku dilaan hogaamiyihii ciidanka Portuguese-ka, Christopher da Gamma. Dhacdadan waxay niyad jab aad u weyn ay ku noqotay boqor Galawdewos iyo ciidankiisii xulafada, waxayna kor u qaaday niyaddii cidankii Muslimiinta reer Awdal.
Bishii Ocober,1542kii dagaal gaadmo ah oo ay soo qaadeen, xilli habeeynimo ah, ciidankii xulafada ee boqor Galawdewos, ayuu ku shahiidey Imaamkii muslimiinta reer Awdal, Imaam Axmed Ibraahim Gureey. ( Islam In Africa by Prof. M. Brelvi). Waxaa dad badani rumaysanyihiin in dagaalka uu ku geeriyoodey Imaam Axmed uu ka dhacay agagaarka harada ugu weyn Ethiopia ee Tana.
Wixii ka danbeeyey geeridii Imaam Axmed, ciidankii Muslimiintu waxay bilaabeen in ay dib ugu soo gurtaan xarumahoodii ay markii hore ka duuleen ee saldanadii Muslimiinta ee Awdal.
|
Health & Education/sports Q.1| 2 | A. A. Farah Cudurada faafa -Cudurka Daacuunka (Cholera) Health News: Ilmo yar oo dhibaataysan: Caawi> -5 operations you don't want.. More News>>> Education News: -Qalin-jabinta Amoud Unive. -University of Gedo oo loogu.. More News>> Sports News: New -Iraq inspires fans with Asian. Business News:
|