|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|||||
|
Saturday, March 13, 2010 F.G: Qoraalkan (Ethiopia's policy towards Somalia) waxaa 10 sano ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991, lagu qoray bogga Internet-ka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaan hoos ku qornay tarjumaadda afka Soomaaliga ee qoraalkan. Siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Soomaaliya. A) Taariikhda Cilaaqaadka (Ethiopia iyo Soomaaliya) Xiriirka u dhexeeyey Ethiopia iyo Somaaliya ma ahayn mid caafimaad qaba. Muddo aan fogayn waxaa labada dal dhex maray dagaal weyn iyo mid yar. Riyadii dhelanteedka ahayd/marnayd ee Soomaaliweyn, siyaasaddii ku dhisnayd is ballaarinta, uma keenin Somaaliya waxaan ka ahayn colaad iyo xurguf (ay la gasho) dariskeeda. Intaas waxaa sii dheer, Soomaaliya waxay mar walba xulufo la ahayd ururrada iyo wadamada ay rumaysnayd in ay ahaayeen kuwo Ethiopia liddi ku ah, waxayna carqaladayn jirtey nabadda Ethiopia. Dhinaca kale, Soomaalida Ethiopia waxay iska caabiyeen/ ka dhiidhiyeen, nidaamkii caburinta badnaa (Dergiga) ee ka jirey Ethopia. Iyadoo tan isla xidhiidhinaysa, Somaaliya waxay ku guuleysatey in ay dumto tiro aad u badan oo Soomaalida Ethiopia ah iyada oo uga dhigaysa (xulufo) isku daygeeda si ay u meel mariso siyaasaddeeda is-ballaarinta ah. Arrintan darteed, Ethiopia waxay halis u gashay handadaado ka imaanayey Soomaaliya iyo meelo kale. Ethiopia dhankeeda, waxay uga jawaabtey handadaadahaas in ay tix geliso xuquuqda Soomaalida Ethiopia iyo in ay dhiirri geliso walaalnimada u dhexaysa dadka Ethiopia, sidaas darteed Soomaalida Ethiopia waxay midnimo (si iskood ah) ay kula noolaan kareen dadkooda kale ee reer Ethiopia, (Ethiopia waxay ku dhaqaaqday in ay ka takhalusto/ kala furfurto Soomaaliya intii karaankeeda ah ee suuro gal ah). Siyaasadanina waxay ahayd mid loogu jawaabayey gardarradii Soomaaliya taas oo dagaalkii loo wareejiyey Soomaaliya, isla wakhtigaasna, in la sii durjiyo/la sii xumeeyo is-maandhaafka u dhexeeya qabaa’ilka Soomaalida. Xaaladdu hadda aas-aas ahaan way is badashey. Fikirkii “Soomaaliweynta” waa la dhaawacay/ la sumcad tiray. Waxaa hadda laga joogaa toban sano intii Soomaaliya ay dawlad la’aanta ahayd. Dhinaca kale, Ethiopia waxaa laga fuliyey qaanuun sugaya xuquuqda dadka (Ethiopia). Soomaalida Ethiopia waxay si walaalnimo ah iyo midnimo si iskood ah kula nool yihiin dadka kale ee Ethiopia aqoonsi Ethiopian oo cid kastaa ku jirto oo xilli dhow la qeexay. Iyagoo la qaba dadka kale ee Ethiopia, Soomaalida Ethiopia (ruuxda sinaanta, dimoqraadiyadda, horumarka, iyo aqoonsiga Itoobiyaanimo dartood) waxay ku taagan yihiin/ ku negi yihiin aas-aas xoog badan, waxayna ku tabarucayaan dhisidda dalka (Ethiopia). Waxaa si weyn hoos loo dhigay u dagnaantii Ethiopia ee fikradda “Soomaaliweyn”. Dhinaca kale, burburka Soomaaliya waxay keentay khatar sii siyaadaysa. Mashaakilka Soomaaliya waxay u ogolaatay xag-jir-diimeedku in ay kaalmaystaan. Soomaaliya waxay u noqotay gabbaad iyo halaq mareen (dhuun) argagaxisada iyo xag-jirrada. Kooxaha nabad-diidayaasha ah ayaa waxay u isticmaalayaan dalka (Soomaaliya) saldhig iyo goob ay sii maraan si ay khatar u geliyaan nabadda Ethiopia. Kala firdhanka Soomaaliya waxay kahatar ku keentay nabadda dalkeenna (Ethiopia). B) Ahmiyadda Cilaaqaadka (Soomaaliya iyo Ethiopia) Ma jirto xaalad ay Soomaaliya ugu kaalmayn karto (Ethiopia) iyadoo ah jiho maal-gashi iyo horumarin dhaqaale, ama in ay ahmiyad suuq u leedahay Ethiopia. Muddo ka dib, nabad iyo daganaansho ku timaadda Soomaaliya, waxaa jirta fursad ay Somaaliya ku noqon karto suuq muhiim ah, laakiin tani way adag tahay in la qiyaaso wakhtiga dhow iyo midka dhexe. Marka la eego khayraadka dabiiciga ah (ee Soomaaliya), webiyada waaweyn ee Soomaaliya oo dhan waxay ka yimaadaan Ethiopia. Nidaamka waraabineed ee Soomaaliya waa mid liita. Dhinaca kale, halka dalkeenu uu sii kordhinayo horumarkiisa, waxaynu xiri doonnaa webiyada sababo la xiriira waraabka. Xakamaynta webiyada Ethiopia waxay ka kaabaysaa Soomaaliya sidii ay uga hor tegi lahayd daadadka, sidaas darteed, faa’iidadu waxay noqonaysaa mid wadaag ah. Laakiin dhinaca kale webiyadaas waxaa lagu isticmaali karaa Ethiopia, si gaar ah dhulka Soomaalida (Ethiopia), sababo la xiriira dhinaca horumarinta. Arintan (biyo xireenku) wuxuu abuuri karaa khilaafaad yar laakiin dhibaatada (ka timaadda) waxaa lagu xallin karaa isii aan ku siiyee, taas oo ku biyo shubanaysa maslaxadda labada dal. Sida laga fahmi karo arimahaas kor ku xusan, mustaqbalka dhow iyo kan dhexe, Soomaaliya saamayn xun iyo mid wanagsan uma laha horumarka dalkeenna. Hadana, Soomaaliya waxay leedahay tiro dekedo ah oo hawlo u qaban kara Ethiopia. Laga soo bilaabo dekedda Zaylac (taas oo Ethiopia ay adeegyo ka heshay taariikhdeedii fogeyd) illaa iyo Kismayo kama yara dekedaha Soomaaliya ee qaybo ka mid ah dalkeenu adeegsan karo todoba dekedood. Suuro galnimadaas waxay si macno weyn uga qayb qaadan karaan horumarkeenna, laakiin sababo la xidhiidha khilaafaadka ku salaysan “Soomaaliweyn” iyo dhibaatooyinkii ka jirey Ethiopia, (adeegsiga dekedaha Soomaaliya) si dhab ah ahmiyad looma siin (ha illaawin in Ethiopia-na ay dekedo lahayd). Burburka ku yimid Soomaaliya wuxuu ka dhigay mid aanay dhici Karin in lagu fekero adeegsiga dekedahaas wakhtigan. Xataa haddii fursadda in la adeegsado dekedahaas ay siyaaddo, aynaa taasi siyaadiso ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay horumarkeenna, qofina ma arki karo door wanaagsan oo ay Soomaaliya wakhtigaan ciyaari karto. Dhinaca xun, waxaa xusid mudan in burburka ku yimid Soomaaliya in uu khatar geliyey nabadda iyo degenaanshaha Ethiopia. Xaaladdan waxay burburisey muuqaalkii gobolkeenna, geeska Afrikana waxaa loo arkaa meel colaadi ka jirto. Fursaddii aan maal gelin ku soo jiidan lahayn hoos bay u dhacaday, saamaynta Soomaaliyana waxay ku keentay hubaal la’aan marka la eego nabaddii gobolka iyo la’aanta xiriir dhaqaale oo dhex mara labada dal.
|