Wasiirka koowaad, ku xigeenada wasiirka koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda.
a) In uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Soomaaliya.
b) Xubin ka yahay golaha shacabka; waxaa lagu daray qodobkan: ka imaan karaa bannaanka golaha shacabka.
c) Da’da wasiirka koowaad waa in aysan ka yaraan afartan (40) sanno, ku xigeenada wasiirka koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada aysan da’doodu ka yaraan sodon iyo Shan (35) sanno.
d) Waa in ay lahaadaan tayo hogaamineed iyo Khibrad siyaasadeed.
Guud ahaan afartan qodob waxaa curyaamiyey faahfaahin la'aan ama iyaga oo si kooban u qoran.
Sida ka muuqata faqrada "C", xubnaha golaha wasiirada oo uu ugu horeeyo wasiirka 1aad kama imaan karo da' ahaan qofkii ka yar 35 (wasiirada) ama 40 (wasiirka 1aad). Ma muujinayso faqaradani waxa ay tahay sababta wasiirka 1aad loogu xiray in da'diisu aysan ka yaraan 40 sano; sidoo kale kama muuqato isla faqarada "C" sababta xubnaha golaha wasiirada uusan uga mid noqon karin qof da'diisu ay ka yartahay 35 sano. Faqradan waxaa xoogga la saaray da'da xubnaha golaha wasiirada iyada oo aan la muujin, tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya qof da'diisu tahay 34 iyo mid kale oo da'diisu tahay 35; ama qof da'diisu tahay 39 sano halka kan kale ay da'diisu tahay 40 sano.
Faqrada "D", dastuurka kumeel-gaarka ah ee DFK uma qeexayo si hufan waxa ay yihiin "tayo hogaamineed" iyo Khibrad Siyaasadeed". Haddiise sidooda loo dhaafo, inta badan wasiiradii xukuumadahii soo maray DFK waxay ahaayeen kuwo aanay wanaagsanayn hogaamintooda iyo khibraddooda siyaasadeed. Intooda badan waxay ahaayeen qab-qablayaashii dagaalka ama dad lagu soo boqray "hayb qabiil" oo xitaa qaarkood aysan lahayn wax aqoon ah oo asaasi ah.
Waxaa ka muuqata "aragtidayda" shuruudahan lagu soo xulayo golaha wasiirada tayo xumo dhinacyada qoraalka, adeegsiga ereyada, iyo xulitaanka shuruudaha qudhooda. Waxaa sidoo kale ka muuqata in aanan si wanaagsan la isaga xil-saarin diyaarinta, soo gudbinta, iyo ansixinta shuruudahan ahmiyadda weyn ay ahayd in la siiyo. Baarlamanka DFK, oo isaga qudhiisa ay buux dhaafiyeen "xildhibaanno" ay ku adagtahay fulinta hawlaha loo xilsaaray, (tayo xumo ama daacad darro midkood) wuxuu si kas ama kama ah ugu fashilmay in ay saxaan khaladaadka ka muuqda shuruudahan qabyada ah.
Ugu danbayntii waxaa si weyn u muuqata in shuruudaha lagu soo xulayo wasiirka 1aad iyo xubnaha golaha wasiirada (hadiiba la tix-geliyo) ee ku qoran dastuurka DFK aysan ahayn kuwo lagu soo xuli karo xukuumad tayo leh. Sidaas darteed waxaa haboon in dib loo qoro shuruudahaas, lana adkeeyo qaabka lagu soo xulayo xubnaha ay ka koobantahay xukuumdaha dib laga soo dhisi doono mustaqbalka; waxaa lagama maarmaan ah in xubnaha ay ka koobantahay xukuumaddu ay noqdaan kuwo lagu soo doortay hawlkarnimo, daacadnimo, aqoon iyo baaris lagu sameeyo waxqabadkoodii hore. Waxaa reeban in mar walba golaha fulintu uu ahaado mid lagu soo dhiso qaab beeleed aan lahayn meel uu ka bilowdo iyo meel uu ku dhamaado; waa haddii ay dhab tahay jiritaanka Dawlad Federaal ah oo Kumeel gaar ah, una madax bannaan go'aamadeeda.
Tifaftirka Alldalka.com
Alldalka.com








