DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Thursday, May 08, 2008

 

Waa sidee xaalka ubadkeena ku nool Qurbaha (Q.29aad)

Waxaa diyaariyey C/Qadir.C.Diini

abuuyuunas@yahoo.com

Sidaan qoraaladii hore ku xusnayba  toosnaan la’aanta waalidka waxay qayb libaax ka qaadataa qallooca ilmaha. Waxay noqon kartaa inay ku xadgudbaan Allahii abuurtay, waxa kale oo ay noqon kartaa inay iyagu (Labada waalid) Isku xadgudbaan. Waxaa dhulalkan galbeedka aad ugu badan cabashada labada waalid qudhoodu ay kala cabanayaan, mid walbaana kiish buuxa oo sheegasho ah uu tunka ku sito. Waxaa yar isku garaabidda, qof walbaana qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.

Dhulalkan galbeed markii la yimid waxaa loo yimid qoysas dusha reer ka ah, laakiin hoos ka haawanaya oo aan lahayn aasaaskii iyo wixii reer lagu yiqiin. Guryo hoos ka holcaya oo sawaxan iyo qaylo dhaani ka baxayso ayaa loo yimid. Laakiin arrinkaa waxaa ka soke maray dhaan dabangaalle oo qofkii aan caqli iyo aragti dheer lahayni uu ku dagmayo. Waxaa la mooday in dhulkii xorriyadda iyo sinnaanta la yimid. Waxa ugu badan oo gabdhaha soomaaliyeed dhagahooda ku soo dhacayey waxaa ka mid ahaa inay yimaadeen dhulkii aan la kala sarrayn oo dhaddig iyo laboodba wax walba u siman yihiin, walibase dumarku baac dheer yihiin.

Arrinkaasi wuxuu keenay in wax badan oo Islaamka aasaaskiisa ah jeeniga lagu dhufto oo aan loo aabba-yeelin. Waxaa dayacmay xuquuqdii labada waalid, taasina waxay dhashay in xuquuqdii carruurtuna dayacanto, illeyn reer waxaa dhiqi kara laba qof  oo is waafaqsan, isku meelna wax u wada. Waxa kale oo soo baxay inay lunto hoggaankii iyo kala dambayntii reerka. Reerkii wuxuu noqday goob labadii waalidna ku hardamaan, carruurtii iyo waalidkana ay kala ufoodeen.

Hoggaankii reerka ayaa wuxuu noqday mid si toos ah ama aan toos ahaynba  haweenkii gacanta u galay,iyagoo garab iyo gaashaan ka helaya maamullada waddamadan ka jira. Taasna waxay keentay inay soo baxdo arrin  nabigeennu NNKA uu hore nooga digay oo ahaa xadiis macnihiisu ahaa: Qoom ma liibaano arrinkooda u dhiibtay haween. Xadiiskaasi wuxuu ku fadhiyaa maahmaah soomaalidu hore u tiri oo muujinaysa in meel haween ka talisayi ay murugmaarug (Baaba’) ku dambayn doonto.

Arrinkaasi wuxuu keenay in la khilaafo sidii ALLAAH uu wax u  qaybiyey oo ah in masuuliyadda reerka ay labka saaran tahay.  Arrinkaa in labku wax hogaamiyo maahan mid gaar ku ah aadanaha ee waa mid ay la wadaagaan noolaha kale. Xayawaanka wax dhaddig hogaanka u hayo waxaa laga sheegay shinnida, iyadana dadka aqoonta u lihi waxay sheegeen sida ay wax ku hogaamisaa waa dhanka wax soo saarka.

Mukhaalafadaasi waxay keentay in laga dhaxlo burbur iyo in reerkii shiddo iyo dhib ka bixi waayo. Waa sunnada ALLAAH in qofkii qaanuunkiisa khilaafaa aanu isaguna faa’iido ka dheefin aakhiro iyo adduunba.

Galbeedkan loogu yimid sinnaanta ragga iyo dumarka ayaa baaritaan ay sameeyeen waxay ku sheegeen inay jirto ilaa iyo dhawr iyo soddon waxyaabood oo ragga iyo dumarku ku kala duwan yihiin.

Tartan mar la sameeyey oo rag iyo dumar ah, loogana dan lahaa in la ogaado cidda ku habboon hawsha guriga iyo barbaarinta ayaa waddan galbeedka ka mid ah lagu qabtay. Tartankaasi wuxuu ku soo gabagaboobay in cid dumarka kaga habboon hawshaa inaanay jirin. Dadka tartankaa qabanaya waa dad aan qorshe diineed meesha ugu jirin oo waxay arkaan oo ay tijaabiyaan uun wax ku miisaamaya. Qof kasta oo xataa caqligiisa si wanaagsan u isticmaala wuxuu ugu dambayn ku soo dhici sidii ALLAAH wax u qoondeeyey. Miyaanay qoladaasi waafiqin hawshii Islaamku dumarka u diray?

Haweenkii galbeedka ayaa markii ay ku lumeen inay sinnaan raadiyaan ayaa markii runtu ka daba timid waxay u ololaynayaan inay guryahoodii dib ugu noqdaan. Waxay caddeeyeen inaanay helin waxaan dhib iyo xasarad ahayn, mana awoodno ayay yiraahdeen inaan inta jirkayaga abuurka ka badalno mid raggeed ka dhigno. Macnaha waxay caddaynayaan waxa lagu kala badalan yahay inay yihiin wax abuurkii hore ku xiran.

Waxaa markaa cad dhaankaa dabangaalle ee la daba rooray inaan laga helin waxaan burbur ahayn iyo in ilmeheennii faraha ka baxaan. Waa inoo caqli xumo inaan ilmo toosan raadinno innagoo dulmi ku dhexjirna, cidda aan ku dayanaynana ka dhiginnay kuwii la inooga digay oo la inoo sheegay inay doonayaan inaan diinteenna inta tuurno iyaga raacno.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com