|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
|
|
Tuesday, August 05, 2008
Fiiro gaar ah: Hoos ka eeg qoraalkan oo inta la xaday magac qof kale lagu sidkay!!!!
V. Boqor Ba'eda Maryam iyo Boqorad Elena Inta aynaan isha marin taariikhda boqor Ba'eda iyo boqoradda Elena, waxaa xusuusin mudan in taariikhda Immaam Axmed iyo dagaaladii baaxadda laha ee uu la galay boqortooyada Ethiopia (gaar ahaan Boqor Lebna Dengal, wiilkiisii Galadious, iyo boqortooyadii Portugueseka ee gurmadka u fidisay) ay ina soo hayso, oo aan taxanahan qaybo badan oo ka mid ah si faah-faahsan uga hadli doonno; sidaas darteed, waxaan jeclaystay in aynaan ku degdegin bilowga taariikhda Imaam Axmed illaa aan halkeeda ugu tagayno. Boqor Ba'eda Maryam (1468-1478) Waxaan horay uga soo war bixinnay, qormadeennii tan ka horaysey, ciqaabtii boqor Zara Yakob uu ku qaaday xaaskiisii, Seyon Mogasa, kadib kolkuu ku eedeeyey in ay mu'aamarad ka dhan ah boqor Zara Yakob, oo ay ku doonaysey in ay xukunka kaga wareejiso, ay faraha la gashay. Seyon Mogasa, waxay ahayd boqor Ba'eda Maryam hooyadiis, sidaas darteed, arintan waxay Ba'eda Maryam ku keentay, yaraantiisii, cabsi aad u badan oo uu ka qabey in uu aabihiis, Zara Yakob, marin doono ciqaab la mid ah tan uu hooyadiis mariyey. Si kastaba ha ahaatee, Boqor Zara Yakob wax ciqaab ah ma marin wiilkiisa, wuxuuna u diyaariyey in uu ka dhaxlo taajka boqortooyada Ethiopia. Sidaas ayuuna boqor Ba'eda Maryam kula wareegey maamulka boqortooyadii Amxaarada sanadkii 1468kii ka dib kolkii aabihiis u geeriyooday xannuun muddo hayey. Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto boqor Ba'eda Maryam (The hand of Mary) ama gacantii Maryam oo lagu magacaabi jiray Dawit, waxaa ka mid ah dhisitaankii kaniisaddii sida weyn caanka u ahayd ee "Atronsa Maryam" sidoo kale wuxuu amar ku bixiyey in lafihii boqorradan dhawrka ah: Yakuna Amlak (1270-1285), Neway Maryam (1372-1382), iyo Tewodros (1413-1414) lagu aaso Kaniisadda Atronsa Maryam. Dadka ree Ethiopia ee xukunka boqor Ba'eda Maryam ku hoos noolaa waxay ku xamanjireen in uu wakhtigiisa inta badan uu ku lumiyo farda-fuulka, oo uu aad u jeclaa. Boqorku, Ba'eda, wuxuu markii danbe ku dooday in farda-fuulkiisan faraha badani uu yahay mid caada ahaan ka soo jeedda Boqortooyada Ethiopia, uuna ka dhaxlay boqorraddii hore ee isaga xukunka kaga horeeyey. Boqor Ba'eda Maryam waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa in uu ku dhiiri geliyey dadka reer Ethiopia in ay waxbeerashada xoogga saaraan, gaar ahaan liinta, sonkorta, canabka iyo geed-miroodyo kale oo fara badan. Boqorad Elena Boqoraddan, Elena, waxay ka mid ahayd xaasaskii boqor Zara Yakob. Waxay ahayd inan uu dhalay boqorkii Muslimiinta reer Dawaro ee iyagu markii danbe qaatay diinta Kirishtanka ka dib kolkii dhulkooda uu hoostagey boqortooyada Ethiopia. Haweenaydan waxay si ku meelgaar ah taajka boqortooyada Ethiopia ugu haysey boqor Lebna Dengel oo isaga oo 7 sano jir ah aabihiis, boqor Na'od, lagu dilay dagaal dhex maray boqortyooyada Ethiopia iyo xoogaggii Muslimiinta reer Zaylac ama Awdal. Dadka taariikhda boqortooyada Ethiopia wax ka qora waxay ku tilmaamaan boqorad Elena in ay ahayd haweeney caqligu aad ugu maaxay. Waxay durbaba xidhiidh la samaysay Suldaan Maxamed Azir oo muddo ka badan 30 sano (1488-1518) ka talinayey saldanaddii Muslimiinta ee Awdal. Waxay sidoo kale xidhiidh la samaysay dawladdii Portugueseka iyadoo markaas dareemaysey in boqortooyada Ethiopia ay ku soo fool-leedahay khatar ballaaran oo kaga imaanaysey dhinaca bari, gaar ahaan saldanaddii Zaylac (Awdal). Boqorad Elena waxay wafti ahaan ugu dirtay dawladdii Portigueska nin Armenian ah oo lagu magacaabi jiray Mateus; waxaana sanadku markuu ahaa 1514kii uu boqorkii Bortaqiisku, Manuel I uu ku qaabilay Lisbon, oo ahayd xaruntii Bortaqiiska, waftigii boqoradda Ethiopia. Wakhtigaas, waxay Boortagiisku dano muhiim ah ka lahaayeen India, waxayna aad u soo dhaweeyeen aragtida boqorad Elena. Sanadkii 1520kii, oo ku beegnayd xilliyadii uu taajka boqortooyada Ethiopia uu hayey boqor Lebna Dengel, waxaa soo gaaray xeebta Musawac markab siday wafti Portiguesku u soo diray boqortooyada Ethiopia. Waxaana waftiga madax u ahaa Duarte Galvao oo ahaa safiirkii dawladda Portiguesku u soo magacawday Ethiopia, si taageero ballaran loogu fidiyo boqortooyada Erhiopia, loogana taakuleeyo sidii ay uga guulaysan lahayd Saldanaddii Muslimiinta ee Zaylac. Eeg qoraalkan oo inta la xaday, magac qof kale lagu sidkay!!!!! 1-http://www.maracade.com/new/histori.html
|