|
|
|
East Africa University Mogadishu University Burco University Amoud University Hargeisa University Nugaal University Hiiraan University Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8 Pre-Algebra Algebra Learn English Arabic General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary Arabic Dictionary Somali Dictionary Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress |
|
|
||
|
Friday, December 14, 2007
Waa kuma Jamaalu Diin-ka Meles Zenawi ee Soomaaliya? Fadlan markaad akhriso qoraalkan soo socda, ka jawaab su'aasha kor ku xardhan! Taariikh mar kale soo noqotay!!!! Boqor Amada Tseyon ((1314-1344) Waxaad intabadan aad ku arkaysaa buugaagta ay qoraayahanada qoraaladooda kugarab istaaga Ethiopia, waxna ka qora dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee soo maray Geeska Afrika, gaar ahaan Qarnigii 16aad oo caan ku ahaa dagaaladii dhexmaray Muslimiinta oo uu hormood u ahaa Imaam Axmed Ibin Ibrahim (Axmed Gurey) iyo boqortooyadii Ethiopia ee ay garwadeenada ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, in Imaam Axmed uu ahaa dhiig-yacab dad iyo duunyaba ka idleeyey dhulka sare ee Ethiopia ee labada qowmiyadood ee Amxarada iyo Tigregu ay degenaayeen; iyo in uu ahaa isagu kan bilaabay duulaanka kusalaysan gardarada ee lagu ciribtirayey dad kirishtan ahaa oo kudhexnool badweyn muslimiin ah. Waxay qoraayahanadani ay marwalba iska indha tirayeen xasuuqii, iyo barakicintii qarniyada socday ee uu nidaamkii boqortooyada Ethiopia kuhayey qowmiyadaha kale ee kula noolaa Geeska Africa kahor inta aanuu iman duulaanka Imaam Axmed iyo qabaa'iladii Soomaalida ee ku garb istaagay sida ku cad buugga Tuxfatu-Alzamaan ama Futuux Al-Xabasha ee uu qoray qoraagii goobjoogga u ahaa dhacdooyinkaas ee lagu magacaabi jiray Shihaabudiin Ibin-Cabdulqaadir Al-Jiizaani. Waxay Qoraayahanadani mararka qaar ay kusheegaan boqorka nidaamkiisu uu gaysto xasuuqa iyo bililiqada ugu badan in u ahaa halyey difaacay jiritaanka mustaqbalka Ethiopia. Boqor Amada Tseyon (1314-1344), oo ay qowmiyadda Amxaaradu rumaysanyihiin in uu guulo ballaran ka gaaray dagaaladii ay kula jireen Immaaradihii Muslimiinta sida IFAT iyo AWDAL bilowgii qarnigii 14aad, wuxuu dhinaca kale (Muslimiinta) ugu muuqday dhiigyacab xasuuq iyo boob ku hayey shucuub farabadan oo ku noolaa Geeska Afrika iyo hantidoodaba. Boqor Amada Tseyon waxay xukunka boqortooyadiisu kusalaysnayd dhulballaarsi, illaa ay isaga iyo askartiisu isku khilaafeen ku adkaysashadiisii uu ku adkaystay in uu gaaro dhulkii Soomaalidu ay daganayd, sida Zaylac, kadib markii uu cagta soo mariyey dhul fara badan oo ay kunoolaayeen qowmiyadda Cafarta oo iyagu laf-dhabar u ahaa nidaamkii IFAT ee kadhisnaa xeebaha Badda Cas illaa agagaarka dhulka Shawa oo ay maanta xaruntiisa ugu mihiimsan ay tahay Adisababa. Xilliga uu boqorkan, Amada Tseyon, uu duullaanka kujiray, waxaa dhibaatooyinkii uu geystay ay inta badan kuwajahnaayeen dhulkii ay maamulaysay Imaarada IFAT ee aynu horay u soo sheegnay in uu ahaa dhulkii ay beecshiradu uga soo degeysay ugana dhoofaysay boqortooyada Ethiopia kadib heshiisyo ay horay u wada galeen labada maamul. Immaarada muslimiinta ee IFAT waxaa hogaamiye u ahaa Amiir Xaqu-diin oo larumaysanyahay in uu kasoojeedo qowmiyadda Cafarta ee maanta ku kalanool Ethiopia, Djibouti iyo qaybo kamid ah dhulka Eritrea. Boqor Amada Tseyon oo laqabkiisu ama naanaystiisu ay ahayd "Gebra Maskal" oo micnaheedu yahay "Addoonkii Iskutilaabta", (Slave of the Cross), wuxuu duulaan ballaran uu ku bixiyey Imaaraddii IFAT, waxayna ciidankiisu qabsadeen xarumihii Imaarada, waxayna goobtaas ku dileen Amiir Xaqu-diin. Dhacdadaas kadib, waxaa dib u abaabulay ciidamadii IFAT wiilkii uu dhalay Xaqu-diin oo la oranjiray Darader, laakiin ciidamadiisii waxaa iyana ku dhacay jab lamid ah kii ciidamadii Xaqu-diin uu kala kulmay ciidanka Boqor Tseyon, taas oo isana markiisa, Darader, lagu dilay dagaaladaas. Wixii ka haray Imaaradii IFAT iyo ciidankeedii waxaa dib usoo abaabulay, hogaamiyena u noqday sanadkii 1332kii Amiir Xaqqu-diin walaalkiis oo lagu magacaabijiray Sabru-diin. Boqor Amada Tseyon oo dareemay in uu markan ka awood roonaaday, kalana firdhiyey Imaaradii IFAT, wuxuu kusoo bixiyey Amiirka cusub ciidan aad u ballaaran kaas oo gebi ahaanba lawareegay Imaaradii IFAT dhulkii ay ka talinaysay oo dhan iyo xarumaheedii. Ciidanka Amada Tseyon waxay halkaas ka geysteen xasuuq ba'an oo uu Boqorkuna si aad ah ugu riyaaqay sida qoraalkan hoose ka muuqda: "Ciidamada Amada Tseyon waxay soo galeen xarumihii Sabru-diin, waxayna boobeen wax alla wixii ay hanti ka heleen sida Dahabka, Qalinka , dharka iyo dhagaxaanta qaaliga ah; waxayna dileen rag badan, haween badan, dad waayeel ah, iyo caruur.... Boqor Amada Tseyon wuxuu aad ugu farxay warkan, wuxuuna u mahad celiyey ilaahay." ( The Ethiopian Royal Chronicles, by Richard Pankhurst, Bogga: 17, Sadarada 7-12 iyo sadarka 25. Published by Oxford University Press in 1967) Boqor Amada Tseyon kolkii uu qabsaday dhulkii ay ka talinaysay saldanaddii Muslimiinta ee IFAT, wuxuu gacanyare u maamula u doortay Amiir Sabru-diin walaalkiis, Jamaalu-diin. Wuxuu u bixiyey "Boqorka Muslimiinta oo dhan." Wixii wakhtigaas ka danbeeyey, wuxuu Boqor Amada Tseyon duulaankiisa u soo wareejiyey Saldanaddii Awdal ama Zaylac ee ku baahsanayd inta u dhaxeeysey bariga gobolka Shewa illa xeebta Zaylac. Boqorku, Amada, wuxuu ballan ku qaaday in uusan dagaalka joojinayn illaa uu gebi ahaanba cagta mariyo Awdal. Amiir Jamaalu-diin, oo u adkaysan waayey dhibaatada boqor Amada Tseyon uu ku hayey shucuubta Muslimiinta, wuxuu ka codsaday boqorka in uu guud ahaanba ciidankiisa kala baxo dhulkii uu qabsaday, kuna celiyo dhulkii ay ka yimaadeen, isla mar ahaantaasna uu joojiyo duulaanka uu ku hayo Imaarada Zaylac. Amada Tseyon ma siin wax ahmiyad ah talada uu Amiir Jamaalu-diin u soo jeediyey, wuxuuna sii waday colaadii uu ku hayey dhulkii muslimiinta intii markaas gacantiisa ku jirtay iyo Awdal oo uu ku hanweynaa in uu mar uun ka takhalusi doono. Waxaan kaga baxaynaa taariikhda boqor Amada Tseyon qoraal kooban oo uu qoray qoraa carbeed oo lagu magacaabi jiray Ibn Fadlallah Al-Cumari, kaas oo sifaynaya hab-dhaqankii boqorka Ethiopia, Amada Tseyon: "Marka mid kamid ah boqorada Muslimiinta ee hoos joogey boqor Amada Tseyon uu geeriyoodo, ayna jiraan wiilal uu dhalay boqorka geeriyooday, wuxuu mid walba (wiilashiisu) isku dayi jiray in uu helo boqor Amada Tseyon kalsoonidiisa; maxaa yeelay Boqorka (Amada) ayaa ah kan dooranaya wiilka xukunka qabanaya" (ee dhaxlaya aabihiis) (The Ethiopians by Pankhurst. bogga: 75 published by Blackwell) Su'aal: Waa kuma Jamaalu Diin-ka Melles Zenawi ee Somaaliya? Maxayse isaga iyo Jamaalu Diin ku kala duwan yihiin?
Alldalka.com
|