DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

 

Thursday, May 10, 2007

 

Gaby uu meryey Abwaan Cabdi Cali Yuusuf (Waayeel) sanadkii 1954kii. Abwaanku wuxuu ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee maansadooda ku garab istaagey dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee SYL.

 

53 sano ka dib wakhtiga uu meriyey abwaan Waayeel gabaygiisa, weli xaalka Soomaalidu wuxuu taaganyahay halkii gebiygiisa uu ka cabirey. Weli Somaalidu waxay isu dileysaa qabiil qabiil, gumayste kii hore ka naxariis daranna waa ay hoos fadhiyaan. Waa kan gabaygii abwaan Waayeel.

 

      Geelloow gabaygaad ii soo dirtay ee galowgu ii keenay

Goortuu isoo gaaraybaa jiirka laygubaye

Qalbigaa la’igilgilay oo wadnuhu way gamiinsadaye

Rag qabiil u guuxaa xornimo uma gadoodaane

Intay gumaystaha lagdaan gool ma dhaliyaane

Gobonimo si lagu gaaro way garab maraayaane

Kala gaynta iyo waan necbahay haybta gaarnimo’e

Soomaali gebigeedba waa gaan walaala ahe

Intaad dhawrkan guri ee isdhalay godob ku beerayso

Isticmaarka nagu gayfan iyo gaalka maad aragtid

Galabtii Dibira wiilshii gegida dhiidhiibay

Ama golihi Buur-weyn kuwii gaanka lagu laayey

Gorgorka iyo waraabuhu ragguu giigay hilibkiisa

Haday adiga guul kuu tahay iyo gool inaad dhalisay

Gabanada agoontoobey iyo dumarka gi’diisa

Markaan soo garwaaqsado ilmaan gabax ka siiyaaye

Gablame gumaystuhu sixroo geeswalbaba seegay

Godka lagu cadaabkaas kufriga noo gabraarahaya

Geni qaataha iyo waan necbahay gaalo raacyada’e

Iyaguu soo gabaadsanahayaa cadaw nagaadaaye

Soomaali gudaheeda iyo gubadka qiiqaaya

Gabbal dhiciyo waagii baryaba gulufka rooraaya

Gardarada iyo aabiga ragaan garabsan loo laayey

Haday shalay gumayste is-dilaan nimanki geeryooday.

Ama ay jihaad wada galaan uma go’een ciile

Gobonimo nimaan doonahayn gaalana u heesi

Kol haddaan garaw laga helayn guura bahaleeye

Waxba yuusan laabta iga gubin jaahil goomaniye

Ilaahii gayigan uumaybaan guul kasugayaa.