-
Shinbiryahow adaa duulayoo daalin
abidkaaye
-
Adigaa dulqaad badan lahoon daadcad
kuu ahye
-
Adigaa ducaysane murtida dalaw ka
tuurayne
-
Dib u celinta adigaa yaqaan deelka
maansada'e
-
Adigaa duqaydiyo ku roon diinta
ubadkeeda
-
Adigay kuwada doonayaan duul jiroo
idile
-
Anna kaama daaline naftaad
daawadeed taheye
-
Soo dego dareen baa jiriyo dood
inoo furane
-
Deg-deg siinyahaagiyo ku duul
doorka socdkaaga
-
Dabuubtaan ku leeyahay durbaba
hadalka sii duubo
-
Deelqaafku gabayguu dilaa waa
daliil hore'e
-
Dawgiisa fahan oo ha duwin deelkan
lagu siiyey
-
Dekanaha hawada meerayiyo danabkan
qiiqaaya
-
Duufaantaas ibleys wado haddaad
daba maryayn weydo
-
Dacwaddaada gaadhsii ilaah daa'inaa
jira'e
-
U dansheego dunidoo dhan baan diidi
karahayne
-
Goortuu dallaalimo dugsoon Eebbe
kugu dayro
-
Daraftii la eegaba kolkay daadaheey
badato
-
Dusha sare wixii mara adiga kula
damaashaaddo
-
Inta habar dugaagina dartaa
dulun-dulcaynayso
-
Dibnahaaga furo oo dalkaan yaa
degaan kule dheh
-
Yaa dareensan dalanbaabigan jidhiyo
diiftan nagu raagtay
-
Dooxashadu Soomaaliyeey waa
dugaagnimo dheh
-
Doqonimo un weeyaan in aad doc
iswareentaane
-
Diyaar ma utihiin sidii ul iyo
diirkeed dheh
-
Deegaankeeni waa dumay oo waa
daleel maran dheh
-
Dooloow Markiyo illaa dayrka nagu
xeedhan
-
Dusha Ceedhigaabiyo intii Duuban
laga gaadho
-
Dulmi iyo dagaal wada jiraa loogu
dawgalay dheh
-
Dumintii Hargeysaba haddii darajo
lagu qaatay
-
Dahab iyo Dinaar iyo wixii Doolar
la idleeyey
-
Dabayaaqadeedii Haddii daaro laga
jeexday
-
Dulmigii ka soo duulay baa dooxan
soo degeye
-
Daasadihii Burcaad baa la dhigay
daarihii Xamar
-
Durdurradi Wajaaliyo intay deristay
laabtaydu
-
Dalsankii Nugaaleed haddii dabinku
wada gaadhay
-
Doomuhu inay nala degaan waa dariiq
saxan dheh