DALKAAGA BARO  AWDAL  BAKOOL   BANAADIR   BARI   BAY  GEDO  GALGADUUD  HIIRAAN J /HOOSE   J/DHEXE   MUDUG  NUGAAL  SANAG  SH/HOOSE SH/DHEXE  SOOL   W/GALBED TOGDHER.  

East Africa University Mogadishu University  Burco University Amoud University Hargeisa University  Nugaal University Hiiraan University                  Contact us: Alldalka@Alldalka.com. Math: Grade#1 2 3 4 5 6 7 8  Pre-Algebra Algebra Learn English  Arabic  General Chemistry Organic Chemistry Biology Cambridge Dictionary  Arabic Dictionary  Somali Dictionary  Medical Dictionary Math Quiz Accounting library of Congress

 

   

   

Editorial/Readers' Opinions

Please help the drought victims Oval Callout:  

 

Daartii janada: gabay uu Abwaan Xasan Cali Bulxan ka tiriyey Geeridii Abwaan Yam-Yam.

 

Somali Links
 

BBC Somali

:00 -11:15

14:00 -15:00

16:00 -16:15

18:00 -18:30  

  

 

Somalilinks.com

Markacadeynet

Djibouti TV & Radio

Imaammis.com

Dacwah.com

SomaliVoices

2Garre.com

Abdulrashiid.net New

Dhabadonline New

Agabso.com

Kartuun.com New

Somalitech.com. New Abudwaqonline

Idamaale.com

NASSUNET.ORG    MSSU.US

Columbus Stars New                  

AllPuntland
Allsomali.com

Allgedo Online 

Al-Tawxiid

Allwadani.com

Aftahan.com  New
Arlaadi Online

Arlaadinet
Afgoi.com
Awdelnews.com

Bakaaraha
Baafin.com
Balcad.com

Balanballe.com
Benadir

Berlula Online
Burtinle  Online

Codk Somali Galbeed
Cayaaraha.com
Cadaado.net

CeelBuur

Ceelwaaq

Dalka.com
Dayniile

Gedoweb  New

Gedonet
Goldogobsite.com
Goobjoog
Gashaamo

Smali Bantu
SBC Online
Somaligalbeed.net

Saylac.com
SomaliMagazine
Somalilandnews.com
Somalitalk.com        
Somalimarket   New
Somali S.S. Malaysia
Somalilife.com
Somaliawatch.com
Somaliawatch.org
Somalilandnet.com
SomaliNet
Somitek
Somalitribune
Somali Water&Environment

Somalijecel.com
Somali Weyn
Somalihome Online
Somali Peace Process
  Somalipost.com
SomaliUK.com
Soomaali
SUSA Netowrk
STN-TV.NET

Togane.org
Widh-widh.com 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Monday, July 10, 2006

 

Qoraaladan uguma aanan talagelin in aan ku joogteeyo khilaafka Soomaalida iyo Ethiopia; waxaan ugu talagalay in aan qayb uga noqdo wacyigelinta umadda Soomaaliyeed, ee micna-la'aanta isu cunaysa, halka Ethiopia ay kusoo daldalayso Hub iyo Saanad ay isku dhameeyaan si ay hogaamiyayaashooda (Ethiopia) maanta ay u helaan fursad lamid ah tii  Menelik uu Harar ku hantay 1887kii (Qaybi oo Xukun)

 

 

Waxaa qoray: A/Rasaq.H.Nuurre (Xuubeey)

Alldalka@Alldalka.com

 

 

 

 

V.  Boqor Ba'eda Maryam iyo Boqorad Elena

Inta aynaan isha marin taariikhda boqor Ba'eda iyo boqoradda Elena, waxaa xusuusin mudan in taariikhda Immaam Axmed iyo dagaaladii baaxadda laha ee uu la galay boqortooyada Ethiopia (gaar ahaan Boqor Lebna Dengal, wiilkiisii Gelowdewos, iyo boqortooyadii Portugueseka ee gurmadka u fidisay) ay ina soo hayso oo aan taxanahan qaybo badan oo kamid ah si faahfaahsan uga hadli doonno; sidaas darteed, waxaan jeclaystay in aynaan ku degdegin bilowga taariikhda Imaam Axmed illaa aan halkeeda ugu tagayno.

Boqor Ba'eda Maryam (1468-1478)                                  Waxaan horay uga soo warbixinay, qormadeenii tan ka horaysay, ciqaabtii boqor Zara Yakob uu ku qaaday xaaskiisii, Seyon Mogasa, kadib kolkuu ku eedeeyey in ay mu'aamarad ka dhan ah boqor Zara Yakob, oo ay ku doonaysay in ay xukunka kaga wareejiso, ay faraha la gashay. Seyon Mogasa, waxay ahayd boqor Ba'eda Maryam hooyadiis, sidaas darteed, arintan waxay Ba'eda Maryam ku keentay, yaraantiisii, cabsi aad u badan oo uu ka qabay in uu aabihiis, Zara Yakob, marin doono ciqaab lamid ah tan uu hooyadiis mariyey.

Si kastaba ha ahaatee, Boqor Zara Yakob wax ciqaab ah ma marin wiilkiisa, wuxuuna u diyaariyey in uu ka dhaxlo taajka boqortooyada Ethiopia. Sidaas ayuuna boqor Ba'eda Maryam kula wareegay maamulka boqortooyadii Amxaarada sanadkii 1468kii kadib kolkii aabihiis u geeriyooday xannuun muddo hayey.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto boqor Ba'eda Maryam  (the hand of Mary) ama gacantii Maryam oo lagu magacaabi jiray Dawit, waxaa kamid ah dhisitaankii kaniisaddii sida weyn caanka u ahayd ee "Atronsa Maryam" sidoo kale wuxuu amar ku bixiyey in lafihii boqorradan dhawrka ah: Yakuna Amlak (1270-1285), Neway Maryam (1372-1382), iyo Tewodros (1413-1414) lagu aaso Kaniisadda Atronsa Maryam.

Dadka ree Ethiopia ee xukunka boqor Ba'eda Maryam ku hoos noolaa waxay ku xamanjireen in uu wakhtigiisa inta badan uu ku lumiyo fardafuulka oo uu aad u jeclaa. Boqorku, Ba'eda, wuxuu markii danbe ku dooday in fardafuulkiisan faraha badani uu yahay mid caada ahaan kasoo jeedda Boqortooyada Ethiopia uuna ka dhaxlay boqorraddii hore ee isaga xukunka kaga horeeyey.

Boqor Ba'eda Maryam waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa in uu ku dhiiri geliyey dadka reer Ethiopia in ay waxbeerashada xoogga saaraan, gaar ahaan liinta, sonkorta, canabka iyo geedmiroodyo kale oo farabadan.

Boqorad Elena

Boqoraddan, Elena, waxay kamid ahayd xaasaskii boqor Zara Yakob. Waxay ahayd inan uu dhalay boqorkii Muslimiinta reer Dawaro ee iyagu markii danbe qaatay diinta Kirishtanka kadib kolkii dhulkooda uu hoostagay boqortooyada Ethiopia.

Haweenaydan waxay si kumeelgaar ah taajka boqortooyada Ethiopia ugu haysay boqor Lebna Dengel oo isaga oo 7 sano jir ah aabihiis, boqor Na'od, lagu dilay dagaal dhexmaray boqortyooyada Ethiopia iyo xoogaggii Muslimiinta reer Zaylac ama Adal. 

Dadka taariikhda boqortooyada Ethiopia wax ka qora waxay ku tilmaamaan boqorad Elena in ay ahayd haweenay caqligu aad ugu maaxay. Waxay durbaba xidhiidh la samaysay Suldaan Maxamed Azir oo muddo ka badan 30 sano (1488-1518) katalinayey saldanaddii Muslimiinta ee Adal. Waxay sidoo kale xidhiidh la samaysay dawladdii Portugueseka iyadoo markaas dareemaysay in boqortooyada Ethiopia ay ku soo fool-leedahay khatar ballaaran oo kaga imaanaysay dhinaca bari, gaar ahaan saldanaddii Zaylac.

Boqorad Elena waxay wafti ahaan ugu dirtay dawladdii Portigueska nin Armenian ah oo lagu magacaabi jiray Mateus. Waxaana sanadku markuu ahaa 1514kii uu boqorkii Bortaqiisku, Manuel I uu ku qaabilay Lisbon, oo ahayd xaruntii Bortaqiiska, waftigii boqoradda Ethiopia. Wakhtigaas, waxay Boortagiisku dano muhiim ah ka lahaayeen India, waxayna aad u soo dhaweeyeen aragtida boqorad Elena.

Sanadkii 1520kii, oo ku beegnayd xilliyadii uu taajka boqortooyada Ethiopia uu hayey boqor Lebna Dengel, waxaa soo gaaray xeebta Musawac markab siday wafti Portiguesku u soo diray boqortooyada Ethiopia. Waxaana waftiga madax u ahaa Duarte Galvao oo ahaa safiirkii dawladda Portiguesku u soo magacawday Ethiopia, si taageero ballaran loogu fidiyo boqortooyada Erhiopia, loogana taakuleeyo sidii ay uga guulaysanlahayd Saldanaddii Muslimiinta ee Zaylac.

 

 

Lasoco Qaybaha kale.

 

Qoraalkan lama daabacan karo, lamana guurin karo iyadoon ogolaansho laga helin qoraaga xuquuqdiisa iska leh. fadlan wixii ra'yi ah ee kusaabsan qoraalkan kusoo hagaaji cinwaanka qoraha maqaalka ee kor kuxusan. Mahadsanid.

 

Book Note:  Tribute to Imam Ahmed Gurey by the Author of Futuh Al-Habasha, Shihab Al-Diin Ibn Ahmed Ibn Abdulkadir Al-Jizani, Arab Fiqiih.

 

"Pay attention to me that I may recite to you at length. All of you gather round me, to receive the testimony ( to make it easy for you) And cast a glance at my book entitled Futuh Al-Habasha effected by the celebrated, glorious, high-minded, renowned fortunate imam, whose equal one has never heard of, nor has there ever been his like..... the triumphant king, the glowing flame, the star of religion, from the stock of the lords of the Mujahidiin.... the sultan, the imam Ahmed ibn Ibrahim, the mujahid, the mooring cable."

(Futih Al-Habasha, by Shihab Al-diin Ibn Ahmed Ibn Abdulkadir Al-jizani, P: 4-5, Published by Tsehai publishers, Hollywood, CA)

 

Health & Education 

 

Columbus State celebrates with the SomaliCommunity

Ururka adrdayda Somaliyeed ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio

Physician Pay-for-Perfor mance Programs May Produce Little Gain in Quality.

The Fly's Eye Is a Source of Inspiration for New Medical Imaging Systems..By: Harun Yahya

Ceremony for the stablish- ment of Hiiraan University

Horumarinta waxbarashada Dalka: Hubka ugu wanaag san ee lagula dagaalami karo Dagaal-oogayaasha

Xog-waran iyo kulan ku saabsan Jaamacadda Nugaal

First Imaging Study to Implicate Brain Opioids Could Explain Addictive Nature of Behavioral Disorder, Say Johns Hopkins Researchers New

A New Code Of Ethics For Manufacturers of Medical Imaging and Radiation Therapy Equipment. New

Combination Scanner May Increase Accur- acy in Detecting Spread, Recurrence of Head, Neck Cancer.New

Positron Emission Tomography (PET) Can Identify Effective ness of Chemothe- rapy Early in High-Risk Breast Cancer Patients New

Genetic Testing Could Bolster Radio therapy's Effective ness Against Cancer.. New

Turning Viruses Into Allies Against Cancer with Radiovirotherap y.... New

Patients Receiving Radioisotope Scans Should be Warned About Triggering False Security Alarms at Airports. New

New Hope for Early Cancer Detection and Treatment. New

Mayo Clinic Resear chers Report Success in New Molecular Breast Imaging Techn ique. New

Insight Into Cell Metabolism Will Help Interpret PET, MRI Scans.

Luq-Ganane & the Education.

 Buug cusub: Nabadshe.

The first Somali to graduate from the Medical School in Minnesota.

heartani.gif (16662 bytes)Myocardial Perfusion

Hepatobiliary scan

Lungs: V/Perfusion

Renal scintigraphy

Cudurka Qaaxada, (TB) Cudurka Daacuunka   Cudurka Aidska          Cudurka Beer-xanu unka (Hepatitis) A,B,C, D,E,F,&G                    Cudurka Duumada (Malaria) Next)

 PET-CT Advantage Reprojection in Color

NASSU STUDENTS

Columbus Stars Team

 

Islamic Links 

Risaala.com
Boqolsoon.com
Quran.muslimweb Hanuun.com       

Harunyahya.com