January 25, 2006

Iib Dhulbeereed waraab ah oo ku yaala Degmada Baardheere. 

Axmed Sharmaake Siyaad oo ah Mulkiile hanti guurto ah iyo mid ma guurto ah ku leh degmada Baardheere ayaa wuxuu beecinayaa Beer waraab ah oo isagu mulkiyad u leeyahay kuna taala tuulada Tarbeey oo ka tirsan Degmada Baardheere, 30 Km kaga toosan dhinaca K/galbeed. 

Dhulbeereedkan waraabka ah ee iibka ah ayaa waxaa hada ku yaala 6 geed oo waaweyn oo canbe ah oo jira 21 sano, iyadoo geedahaas sanad waliba ay dhalaan miro lagu qiyaashay dhowr kun oo xabo kuwaas oo loo iibgayn jiray suuqyada Magaalada Baardheere iyo deegaanada u dhaw-dhaw. 

Axmed Sharmaake Siyaad oo iminka ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in Beertiisa Cabirkeedu uu yahay 21 Hector oo ay ka bixi karaan noocyada kale gadisan ee delagyada islamarkaana beertiisa la saari karo 21 kun oo geed oo moos ah iyo Geed miroodyo kala duwan isagoo intaasi ku daray in dhulbeereedkiisu uu yahay dhul ku haboon wax soo saarka dalagyada oo ku yaala meel biyaha wabiga aysan ka guraynin xili kasta. 

Axmed Sharmaake ayaa wuxuu ku wargalinayaa cidii danaynaysa inay iibsato Beertiisa inuu ka siinayo lacag dhan $ 21000 (labaatan iyo kow kun oo dollar) isagoo islamar ahaantaana balanqaaday inuu ku wareejin doono wax alle wixii Document ah oo ay leedahay Beerta oo ay ugu wayn tahay Shahaadada Beerta oo ka soo baxday Xafiiskii Wasaarada Beeraha ee Soomaaliya 1984-tii.

 

Wixii faah-faahin ah waxaad kala soo xariiri kartaa: -

Tel: ++2525137217 ama ++ 2525133635.

Email: asharmake@hotmail.com.