Ururka adrdayda Somaliyeed
ee Woqooyiga America & shirkoodii Columbus, Ohio.

Shir waynihii 3aad ee
ardayda Somaliyeed ee reer North America (USA & Canada) ayaa
ka dhacay magaalada Columbus, Ohio. North American Somali
Student Union waa urur ay ku midoobaan ardayda soomaiyeed ee
Maraykana iyo kuwa Canada. Ururkaan waxaa la aas aaskiisa
bartamihii sanadkii 2003, hasa ahaatee waxaa si buuxdo
dhidibada loogu aasay August 2004.
Shirkaan sanadlaha ah ee
sida xiisaha badan loo soo abaabulay ayaa waxaa kasoo qayb
galay arday tiradoodu boqollaal kor u dhaaftay oo ka kala
timid Goblallo kala duwan oo Maraykanka ah iyo Canada. Iyada
oo shirarkii hore ee ururka lagu qabanjiray gobalka
Minnesota, ayaa sanadkaan waxaa si qurux badan u soo
maamuusay marti galinta shirka ururka ardayda Somaliyeed ee
reer Ohio, kaas oo magiciisa loo yaqaano Ohio Somali Student
Association, ururkaan oo si toos-ah u hoos tago ururka wayn
ee (NSSU).
Ujeedada shirka ayaa waxay
ahayd, wacyi galin guud, wacdi diineed, aqoon iswaydaarsi,
iyo walibo doorashadii sanadlaha ahayd ee ururka (NSSU).
Shirka ayaa ahaa mid 3 cisho socday ayna ka soo qayb galeen
kana hadleen dad banan oo isugu jira, Professarro Somaliyeed,
Culamaaudiin, Hogaamiye jaaliyadeed, Arday iyo walibo
hooyooyin. Waxaa sidoo kale shirka ka soo qayb galay Cabdi
Bile Cabdi oo ah shaqshi magac dheer ku dhex-leh ummada
Somaliyeed iyo dhamaan dunida inteeda kale.
Waxaa
marti sharafka shirka kahadshay ka mid ahaa, Cabdi Bile Cabdi,
oo kuhaysta biladda dahabka ciyaaraha 1500 mitir,
Aqoonyahan sare Professor Warsame Cali,PhD Elecrical
Engineering, A&M University oo mashariic dhawr ah la fuliyey
hay'adda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASSA; Professor Sulaymaan Guleid,
PhD (madaxwaynaha
Camuud University), Dr. Cabdinuur Mohamed,PhD, Ohio
University, iyo xubno kale oo
muhiim ah. Aqoonyahanadaan iyo ximna kale oo kulanka ka
hadlay ayaa waxay ardayda iyo guud-ahaanbo bulshada ku
baraarujinayeen kuna wacyigalinayeen sidii ay qurbaha wax
uga qabsan lahaayeen ayga oo ardayda gaar-ahaan kala
hadlaayay sidii ay waxbarashada iyo midnimada dhexdooada ah
oogu dadaali lahaayeen. Sidoo kale mutacallimiinta ayaa
waxay ardayda u sheegayeen in ay ardaydu yihiin rajada
kaliya ee ay Somali leedahay, tan Eebe ka sokoow.
Maalintii
Axadda ahayd 08/14/05 ayaa waxay ardaydu galeen doorasho aan
innabo caadi ahayn taas oo u soconaysay nooca demoqiraadiga
ah ee loo yaqaanno “Secret pallet” taas oo loo tartamaayay
Shanta golaha sare ee ururka hagi lahayd sanadka nagu soo
aaddan. Jagooyinka loo kala tartamay ayaa waxay ahaayeeen:
Madaxwayne, madxwayne xigeen, xog-haye, qasnaji, iyo
xariiriye (coordinator).
Jagada
madaxwanaha ayaa waxaa ku soo baxay tartan adag ka dib Mr.
Mohamud Hassan Cilmi, oo ah arday deggan Columbus, Ohio, oo
dhigta Jaamacadda Franklin University oo barta Business
Administration iyo Organizational leadership. Madaxwayne
xigeenka ayaa waxaa ku soo baxday gabadha layiraahdo Maymun
Cilmi Nageeye oo deggan Louisville, Kentucky, oo dhigata
University Of Louisville (UOL), baratana Biology and
psychology. Xog-haya ayaa waxaa ku soo baxday Mabruuk, oo
ayadana deggan isla magaaladaas Louisville, Kentucky,
dhigatana isla Jamacadda (UOL) baratana Nurse. Sidoo kale
Jagada xisaabiyaha, Mohamed Ali, ah arday deggan Magaalada
Columbus, Ohio, dhigtana Columbus State Community College,
kana barto Accounting. Sidoo kale Jagada agaasimaha ayaa
waxaa ku guulaysta Faysal Mohamed oo daggan Magaalad
Toronto, Canada, dhigtana Jaamcadda Carlton University.
Kooxdaan kuguulaysatay
doorashada ardayda ayaa waxay si fir-fircoon u qeexeen sida
ay doonayaan in ay ku hagaan ururka haddii loo doorto taas
oo ay ku qanciyeen ardaydii dooranaysay.
Gebegebadii, shirka waxaa
ereyo qiiraleh ka joodiyay madax waynaha cusub Mr. Mohamud
Xassan Cilmi asaga oo ka codsaday ardayda iyo dhammaan
bulshada Somaliyeed in ay lashaqeeyaan, la’aantoodna uusan
guul ururku gaari karin. Sidoo kale, madaxwaynahay ayaa
sheegay in ay Somaliya raja wayn leedahay maadaamay
dhalinyaradu ay yihiin hoggaamiyayaasha mustaqbalka kuwaas
oo maanta si xushmad iyo demuqraadi ah ku doortay
hoggaankooda isagana raali noqday kuna faataxaystay
go’aankoodii.
Siwalbabo ha ahaatee
shirkaan ayaa wuxuu ahaa mid aad loo soo agaasimay, si qurux
badanna u socday billow ilaa dhammaad. Dadwaynihii iyo
ardaydii ka soo qayb galay shirkaan ayaa waxaa ka muu
qanaysay xamaasad iyo qiiro waddani nimo.
Alldalka.com
Columbus, Ohio
