waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa maanso aan ugu
talagalay abwaankii weynaa ee C/qaadir Xirsi Siyaad Yam-yam,
maansadu waxay tilmaamaysaa in qof weyn lawaayay, uuna yahay
qofkaasi mid siguud loowada dareemay faaruqiisa, waxaa kale
oo ay maansadu iftiiminaysaa sida ay ukala duwanaayeen isaga
iyo maansoyahano badan oo waddanku leeyahay, ugu
dambayntiina waxaan ilaahay weydiistay inuu jannadiisii
geeyo una naxariisto, maansadiina waa sidan:- Daartii Janada Ø
Dayaxbaa
madoobaaday Ø
Daalacan
shamsadi muuqa Ø
Wuu
damay iftiinkeedi Ø
Damalbaa
karuqay meesha Ø
Deyrbaa
banaanaaday Ø
Hal
abuurka duubkiisi Ø
Daqar
weyn ayaa gaaray Ø
Dacatiyo
dhibow derisa Ø
Suugaanti
degelkayga ***** Ø
Halyey
doora baan weynay Ø
Difaacii
wadaniyiinta Ø
Ciidbaan
kusoo duugnay Ø
Yamyam
dunida guudkeeda Ø
Wuuka
laabtay derintiisa Ø
Daar
kaluu usii dhoofay Ø
Uu
dhab yahay degaankeedu Ø
Duugiisi
taariikhda Ø
Diwaankiisa
aan eegno Ø
Diradire
qabiil sheega Ø
Kudanayste
suugaanle Ø
Hadba
duul ammaanaaya Ø
Dirham
raadis lacag doona Ø
Darajiyo
xil goobaaga Ø
Danta
guud an eegaynin Ø
Dufan
raaca laaluushku Ø
Uuka
keeno darar xooggan Ø
Durqubaan
unacamlaynta Ø
Hadba
duul uliicaaya Ø
Dirqin
iyo cabsi uyeele Ø
Wuxuu
nacay damiirkiisu Ø
Daafece
qabiilkiisa Ø
Kan
kalana duqaynaaya Ø
Shacab
uma damqadayaasha Ø
Noloshood
andoonaynin Ø
Kan
dalkale intuu aado Ø
Degaankiisa
soocaaya Ø
Intaas
oo damiirlaawe Ø
Ka
duwanoo midkani maaha Ø
Danyaraha
miciinkiisa Ø
Daabbad
aan caroonaynin Ø
Haddii
lagu dakaynaayo Ø
Digniin
bixiye saadaashe Ø
Khatar
dibudhac keenaysa Ø
Doorkii
heshiisiinta Ø
Uu
kaqaatay degelkeenna Ø
Qof
diimoon miyaa jooga Ø
Dawladnimada
jeerkeedi Ø
Dal-dalooladii
muuqda Ø
Daabacaadda
suugaanta Ø
Daqaruu
kugaarsiiyay Ø
Diid
inuu kasiijeesto Ø
Khaladkii
durba umuuqda Ø
Inuu
daaya dhihi waayo Ø
Sheekh
duuble weeyaane Ø
Diin
jacaylka dhiniciisa Ø
Daain
iyo ammaantiisa Ø
Daaha
nebi jacaylkiisa Ø
Intuu
maanso ugu deexday Ø
Diwaankiisa
jeedaasha Ø
Allow
daain sharaftaadu Ø
Aday
tahay maduugowdo Ø
Naxariis
dul iyo hoosa Ø
Janno
lagu dalxiisaayo Ø
Dabaqyada
xariiraysan Ø
Wabiyada
durdura meesha Ø
Xuuralciinta
dahabkaahe Ø
Naftu
dooni muuqooda Ø
Kaad
ladamacdo siintooda Ø
Adaan
cidi kudiidayne Ø Yamyam daar jannaad seexi.
Aaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin. Curiye:- Xasan Bulxan Cali Caabudwaaq Soomaaliya
|