Welcome to Alldalka Information Centre
Health & Education.

Sunday, Nov 4. 2005

Ilaah Baa Mahad-leh Ninkii Aaaminaa Awoodleh

Ujeeddo: War-galin iyo Mahadcelin 

Maamulka xarunta Columbus, Ohio ee ururka Somali Association of North America, waxuu mahad ballaaran u jeedinayaa cidkasta oo ka qaybqaadata ololaha hor-umarinta wax barashada (Gedo and Galgadud Education Development Program). Sidoo kale, Maamulka wuxuu mahad gaar-ahaaneed u dirayaa Shabakooyinka Internetka ee Somaliyeed, gaar ahaan Gedonet, Allgedo, Alldalka, iyo Gedoweb kuwaas oo si toosah uga qaybqaata mashruucaan iyo wacyi galinta bushada. Waxaan sidoo kale Mahad ballaaran u jeedinaynaa, dhamaan Jaaliyadda Somaliyeed ee reer Columbus, Ohio kuwaasoo suurta galiyay jiritaanka iyo wax qabadka mashruuca.  

Mahad ballaran iyo bogaadin kadib, hadii aan idiin faaqidno wixii inoo qabsoomay tan iyo markii la aas-aasay ururkan bartamihii sanadkii tagay ee 2004, idamka Eebe iyo taakulada bulshada waxay inoo suurta galisay waxyaabo badan oo lataabankaro oo ay ka midyihiin: 
 

  1. Xafladdii la magacbaxday Habeenka Hor Umarinta iyo Barbaarinta Waxbarashada Gedo & Galguduud, taasoo ujeedadu ahayd wacyi galin iyo yabooh dhaqaale.
  2. Xiriir wada shaqayn iyo isu soo dumid hay’adaha waxbarasho ee ka howl gala Gedo iyo Galguduud, sida Hirda, Iqra oo xaqiiqdii suurta galiyay hor umar lataaban karo.
  3. Hergalimta Machad Caabudwaaq oo ah mid ka kooban Dugsi Sare, Xisaabaadka iyo Maareeynta, Barashada Diinta, iyo Luuqadaha anaga oo la kaashannay aqoonyahanno kale.
  4. Isku xur, baraarujin, iyo wadatashiyo aan sameeyney aqoonyahanada ka soo jeeda goboladaas si aay qayb muhiim ah uga qaataan horumarinta gobolada.
  5. Ka qayb qaadashada aas aaska iyo socodsiinta dugsiayada sare ee hoos ku xusan.
    • Dugsiga Sare ee Baardheere
    • Dugsi Sare ee Ceelcadde
    • Dugsiga Sare ee Garbahaareey
    • Dugsiga Sare ee Caabudwaaq
 
Qodobadaasi waa kuwii inoo qabsoomay Sanad dugsiyeedkii tagay (2004-05) mana aysan qabsoomeen haddii aysan wadashaqayni jirin. Maadaama uu sanadkii hore tagay xisaabtiisiina la xiray, ururku wuxuu billaabay howl galkiisii sanad-dugsiyeedka nagu soo foolleh ee (2006-07). Si uu u sii wado ololaha ladagaalanka jahliga iyo barbaarinta tacliinta, halwdeenada ururka waxay ku mashquulsanyihiin sidii ay u agaasimi lahaayeen barnaaminjyada dhici doona November (25-26), 2005, kuwaas oo ah sidaan: 
 
  1. Kulankeenii labeed ee “Habeenkii Hormarinta iyo Barbaarinta Waxbarashada Gedo & Galguduud” ee ujeedadiisu tahay wacyi galin iyo taakula raadin.
  2. Dood Cilmiyeed dhexmari doonta aqoonyahannada ku dhaqan Woqooyiga Maraykanka ee ka soo jeeda Gedo iyo Galguduud oo ka tashan doona sidii loo kordhin lahaa tayada adeegyada bulshada sida waxbarasho, dhaqaale, caafimaad iyo wixii la mid ah.
 
Uddambayntii, agaasimayaasha ururka waxay si diiran kuugu martiqaadeeynaa in aad ka soo qayb gasho kana qayb qaadato ololaha ladagaallanka jahliga iyo kobcinta tacliinta, madashuna iyo waqtiga waa Columbus, Ohio iyo November, 25-26-2005. Xasuusnoow, Ubadkeenna “Cidna uma Maqna Ceelna Uma qodna”. Wixii waqti ama dhaqaale ah ood gashataa barnaamijkaan Eebe ayaa idiin labanlaabi doono maalinta aad maanta ka baahi hadantahay Insha-allaah.  

Waad Mahadsantihiint, 

Howl-wadeenada ururka Gedo and Galgaduud Development Program.

 

 

Ku noqo Page-ka