Tartan aqooned loo qabtey Ardada IQRA B/balle iyo Ardada
IQRA Caabudwaaq.
Waxaa maalintiii shaley ka dhacey magaalada Caabudwaaq
tartan aqooneed dhex marey ardada dugsiga hoose dhexe ee IQRA
Caabudwaaq.iyo Ardada dugsiga hoose dhexe ee IQRAB/balle
tartankaas oo ka dhacey gedka xoriyada ee bartamaha Degmada
Caabudwaaq.
Tartankaan oo ahaa mid kadisa korna loogu qaadayay aqoonta
ardada ka socotay labada dugsi ayaa waxaa loo qabtey 20 ardey oo
ka kala socota labada dugsi ee IQRA Caabudwaaq iyo IQRA B/balle
iyadoo tartankaasi lagu tartamayay uu ahaa maadooyinka ardada
lagu bara Schoolada iyo aqoon guud.
Ma ahan markii ugu horeysay uu kadis noocaan oo kalaa dhexmaro
labadan dugsi iyadoo Bishii ina dhaaftey tartan noocaan oo kalaa
oo ka dhacey Degmada B/lle kaas oo dhxe marey labadan dugsi,
tartankaasi oo isugu jirey mid kadisa oo ardadu aqoontooda isku
dhaafsanaysay iyo mid Sport.
Tartankii shaley ku dhexmarey labadan dugsi magaalada Caabudwaaq
ayaa waxaa ka soo qayb galey Gudiga waaldiinta Labada School
Aqoonyahano iyo wax garadka deegaanka, gabagabadii tartanka ayaa
gudigii maamulayay kadiska waxaa ay shaaciyeen najiidadii
tartanka waxaana ay guushu raacdey ardadii ka socotey Dusiga
hoose dhexe ee IQRACaabudwaaq oo ku badiyay 9 dhibcood halka ay
ardada IQRA B/blle kentey 7 dhibcood.




C/Kariin Axmed Bilxan
ibagale1@hotmail.com
Caabudwaaq-Somalia
Alldalka.com