Faallo: Heshiiska Cadan Iyo Caqabadaha Ku Gadaaman.
Shirkii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiye Shariif Xasan ku dhexmarayey magaalada dekada ah ee cadan, intii u dhaxaysay 1-dii ilaa 5-tii bishaan janaayo ayaa waxaa uu ahaa mid ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya il gaar ah ku eegayeen.
Haddii ay bartamihii bishii June 2005 ay madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Shariif Xasan Sheekh Adan kulan ku yeesheen magaalada Sanca ayadoo uu dhex dhexaadinayey madaxweyne Saalix uuna ku dhamaadey fashil iyo is afgaran waa, waxaa isweydiin muddan maxaa markale soo cusbooneysiiyey kulan markale labadaan hoggaamiye ku dhexmara isla dalkii ay horey ugu kulmeen?. Waxaa lagu sababeyb karaa marka dib loo milicsado siyaasadda Soomaaliya intii uu taagnaa khilaafka xubnaha labada golle kulankaan markale ka dhacay dalka Yamen inay sabab u tahay saddex qodob oo is biirsadey oo kala ah.
Madaxweyne Saalix. Kulankii hore ee madaxweyne Cabdullaahi iyo Shariif Xasan ku dhexmaray dalka Yamen bartamihii bishii June 2005-tii wixii ka dambeeyey waxaa soo kor-dhayey eedeynta iyo cambaareynta ay garabka xubnaha labada golle ee uu hogaamiye Shariif Xasan ee kusugan Muqdisho u jeedeeinayeen dowladda Yamen iyo gaar ahaan madaxweyne Saalax, ayagoo ku eedeeyey inuu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyo mid ciidanba siinayey kooxda Jowhar ee uu hor-kacayey Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf.
Dowladda Yamen oo aan wax cadaawad iyo dhibaato ah aysan kala dhexeyn dalka Soomaaliya sida dalalka Soomaaliya dariska la ah, waxaa ay u qaadey tillaabadan si ay eedees iskaga rogto una muujiso inay jeceshahay in is af-garad guud laga gaaro khilaafka labada dhinaca. Waxayna martiqaad lama fillaan ah u fidisay Shariif Xasan ayadoo soo cusbooneysiisay hindisii kol-hore ka fashilmay, tiiyoo ay dowladda Yamen dareentay inuu jiro biseyl ka duwan markii uu dhacayey kulankii hore ee June. Sidaas darteed ayey dowladda Yamani ayadoo muujinaysa kaalinteeda ku lug lahaanshaha arrimaha Soomaaliya oo ay ka dhex muuqatay tan iyo markii uu burburey qarankii Soomaaliyeed iskugu dayeysaa inay xal u hesho khilaafka labada dhinac waxaan xusid mudan in dowladda Yamen ay taageero lixaad leh u fidisay dowladdii C/qaasim Salaad Xasan waqti ay dowladda Itoobiya ku hawlanayd burburinta mirihii Carta.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf: Shaki kuma jiro inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf meel adag taagnaa kulankii hore ee ka dhacay Sanca bishii June-2005, balse kulankaan Cadan waxaa uu kusoo beegmay waqti Madaxweyne Cabdullaahi caqabado badan kala kulmey natiijada khilaafka ka dhex ooggan xubnaha labada golle.
Culays dhaqaale iyo mid siyasadeed oo uu madaxweynuhu kala kulmey magaalada Jowhar is af-garasho la`aan badan oo aan shaac aheyn oo ka dhex oogantay asaga iyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dhheere) oo gacanta la galay in badan oo hawlihii dowladda dhexe ah, dhaqaalihii beesha caalamka laga filayey oo shardi looga dhigay heshiis buuxa oo ay wada gaaraan xubnaha labada gale iyo madaxda dowladda , Ciidan Qaran oo hananka ammaanka dalka oo aan jirin, qab-qablayaasha oo tan iyo markii la dhisay dowladda aysan awoodoodii qab-qablanimo wax isbadal ah ku imaan, dowladda Itoobiya oo madaxweyne Cabdullaahi Yusuf taageero badan ka filayey oo dhibaatooyin gudeheeda ah la caal weydey oo ay ugu muhiimsan tahay khilaafka mucaardka iyo Zenawi iyo xiisadda Eratariya iyo Itoobiya, reer galbeedka oo dhaqaalo badan ka joojiyey Itoobiya. Carabta oo u dhabar jeedisay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Maraykan iyo Ingriiska oo horbooda siyaasadda reer Galbeedka oo aan aqoonsan dowladda, cunaqabeteyntii hubka oo gollaha ammaanku diidey in laqaado, ciidamadii IGAD Som oo sheeko uun noqdey.
Arrimhaas oo isbiirsadey waxaa ay horseedeen inuu madaxwyen Cabdullaahi Yusuf kasoo dabco halkii uu taagnaa kulankii horey u dhexmaray asaga iyo gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Adan uuna ogolaado heshiis ay wada gaaran labadda masuul.
Gudoomiye Shariif Xasan:Gudoomiyaha laftiisu kulankaan waxaa uu yimid asagoo in badan ka dabcay halkii uu taagnaa kulankii horey u dhexmaray asaga iyo madaxweynaha, kala diridii uu madaxweynihu kala direy xubnaha baarlamaanka 11/5/2005 iyo qabsoomid la`aantii wax shir baarlamaan ah, kooxada Muqdisho iyo kooxada Jowhar oo labaduba ku guuldaraystay inay helleen kooramka ama tirade fadhiga baarlamaanku ku ansaxo, iskudaygii Shariifka iyo kooxdiisa ee wax ka qabashada ammaanka Muqdisho oo guuldaro ku dhamaatay, go`aan qaadashada arrimaha Muqdisho oo ay la kali noqdeen qab-qablayaasha Muqdisho, dhaqaalo la`aan ba`an oo soo wajahdey kooxda Muqdisho, wakiilada iyo dubulumaasiyiinta caalamiga ah oo Muqdisho go`doon siyaasaddeed galiyey halka ay Jowhar safaro isdaba joog ah ku tagayeen.
Culays kaga imaanayey dhanka deegaan uu kazoo jeedo Shariifka gaar ahaan madaxda digil iyo mirifle oo uu aad u saameyey khilaafka labada golle ahna beesha kaliye ee khilaafkaas dagaal ku dhexmaray,, gudoomiyaha oo dareemay inuu sii dhuminayo awoodiisii baarlamaanka kadib markii uu dhar-baaxso siyaasaddeed kala kulmey kulankii madaxda baarlamaanada Jaamacatul Carab oo shaki galisay gudoomiyinimadiisa baarlamaanka kadib markii la aqabalay waftigii uu hoggaaminayey ku xiggeenkiisii horey uga gadoodey.
Arrimahaas oo dhan gudoomiyaha baarlamaanka waxaa ay galiyeen xaraj siyaasaddeed oo ku qasbey inuu raadiyo wado uu uga baxo taasoo sababtay inuu dabac weyn u muujiyo Yamen oo uu horey eedeyn ugu jeediyey balse uu hadda ku tilmaamay dal walaal ah. Qodobadaas oo dhan waxaa la oran kara waxaa ay qeyb kayihiin xoogga ku riixay gudoomiyihu inuu qaato mowqifkaan ayna baabuur isla fuulaan asaga iyo madaxweyne Cabdullaahi Yusuf si ay u soo arkaan meelaha qadiimka ah ee magaalada Cadan.
Heshiiska la Saxiixay. Inkastoo heshiiskaani markaad aqrisid qodoba uu dhigayo uusan si cad ama rasmi ah u abaareyn qodobadii horey khilaafku uga taagnaa sida waxa laga yeelayo hindisii ciidamada shisheeye, xarunta rasmiga ah ee dowladda marka laga reebo inuu heshiisku tilmaamayo baahida loo qabo shir uu yeesho baarlamaanku mudo bil gudaheed ah.Waxaa uu intiisa kale ka hadlayaa qodobo guud iyo baaqyo aan wax xiriir weyn ah la laheyn qodobadii la isku hayey, balse waxaa dhanka kale lagu tilmaami karaa inuu yahay bilow wanaagsan oo horseedi kara heshiis soo afjara khilaafkii horey u oognaa ama waxaa la dhihi karaa inuu furay albaabkii wadahadalada, waxaa kale oo muhiim ah inuu heshiiskaani dhigayo in la joojiyo daacayadihii siyaasaddeed ee ay labada dhinac isku marin jireen qalabka warbaahinta taas oo ay dad badani aamisan-yihiin inay kaalin lixaadleh kaqaadatay kala fogaanshihii mudada u dhexeysey xubnaha labada golle.
Kasokow heshiiskaan la saxiixey oo aduunka lagu faafiyey waxaa ay tibaaxayeen dubulumaasiyiintii ka agdhawaa mudadii afarata casho aheyd ee ay madaxweynaha iyo gudoomayaha baarlamaanku wada hadlayeen inuu jiro qodobo badan oo ay madaxweynaha iyo gudoomiyuhu isla meel dhigeen balse ay ka gaabsadeen inay ku xusaan qoraalkii ay saxiixayeen sababo la xiriira inay caro kala horyimaadaan qaar ka mid ah qab-qablayaasha dowlada ku jira, waxayna wararku intaas ku darayaan inay labada mas`uul ku heshiiyeen in masuul kasta kooxdiisa dib ugu laabto kana dhaadhiciyo labada qeybood ee heshiiska ee midna la shaaciyey midna la qariyey.
Yaa ka Hor Imaankara Heshiiskaan. Ka war-qabayaalka siyaasadda Soomaaliya oo aan falanqeyn iswaydaarsanay waxaa ay tibaxayaan in heshiiskaan ay ka hor- imaankaraan xubno ay ugu horeeyaan Ra`iisul-wasaare Cali Maxamed Geeddi oo walwal-badan ka qaba haddii uu dhaco kulan uu baarlamaanku u dhan yahay inay ka aarsan doonaan xubno badan oo ka mid ah labada golle oo ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar waxaana jirtay in kooxda Muqdisho ay mudo raadinaysay tirada uu ku qabsoomi karo baarlamaanku si ay codka kalsoonida ugu qaadan ra`iisul-wasaare Geeddi oo laftiisu intuu uu taaagnaa khilaafka xubnaha labada golle ka qeyb-qaatay kala fogaanshaha labada dhinac.
Maxamed Cumar Xabeeb oo awood siyaadeed iyo muuqal weyn ku helay joogi-taanka ay Jowhar joogaan madaxweyanaha iyo wasiirka koowaad iyo qaar ka tirsan xubnaha labada golle ayaa khatar weyn asaguna ku noqon kara taaba galka heshiiskaan haddii uu urko in heshiiskaani keeni karo in miisaankii siyaasaddeed iyo dhaqaalihii ay Jowhar hanatay loo wareejinayo mid ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya tiiyoo ay weheliso khilaaf waayahanba lahadal hayey oo ka dhex jirey madaxweynaha iyo Maxamed Dheere oo aan la gaban faragalinta joogtada ah ee uu kahayo hawl-maalmeedka dowladda asagoon xildhibaan iyo wasiir midna ka aheyn.
Qab-qablayaasha Muqdisho oo ay ka midyihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxo, Cusmaan Xasan Cali (Caato) Yuusuf Siyaad Indhacade haddii ay dareemaan inuu gudoomiyaha baarlamaanku tanaasul-weyn ka sameeyey qodobadii ay horey uguwada socdeen ee ay ku diidanaayeen kooxda Madaxweynaha waxaa ay sameyn karaan jilaaffo ay ku fashilin karaan heshiiskaas, waxaana haddaba shaki weyn muujiyey inaysan illaa hadda ka hadlin soo dhaweynta heshiiskaas xildhibaan ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax ka weydiiyey sida ay qab-qablayaasha Muqdisho u arkaan heshiiskaan Cadan waxaa uu i xaqjiiyey inay shaki badan muujinayaan balse waxaa la oggaan doonaa markii uu Shariif Xasan dib ugu laabto magaalada Muqdisho.
Col: Bare Hiiraale oo dhawaanahan wadey wax uu ugu yeeray dhex-dhexaadinta xubnaha labada golle waqti badan iyo xoogg badana galiyyey sidii uu shirka dhex-dhexaadinta labada dhinac uga dhici lahaa magaalada kismaayo, asagoo ciyaarayey siyaasad meel-dhexe una ku doonayey inuu ku muujiyo muuqaalkiisa siyaasaddeed iyo ahmiyadda magaalada Kismaayo uuna ku kasbado sumcad siyaasaddeed iyo dhaqaalo soo gala magaalada Kismaayo ayaa u muuqda in dadaalkiisii uu heshiiskaan Cadan dhaawac weyn gaarsiiyey hadduusan-ba gabi ahaan hindisihii Barre Hiiraale meesha kasaarin waxaana suurta gal noqonkarta inuu Barre Hiiraale lug jiido heshiiskaan, haddii aysan haddaba labada masuul kusoo heshiin in kulanka baarlamaanku ka dhaco Kismaayo inkastoo warar aan dhinacna u dhicin tilmaamayaan suurta-galinimada shirka baarlamaanku in lagu qabto Baydhabo ama kismaayo taas oo ka mid ah qodobada shaacinteeda ay dib u dhigteen madaxwenaha iyo gudoomiayah baarlamaanku.
Maxaa Haboon Hadda: Waxaa jirta maahmaad Soomaaliyeed oo oranaysa “ Aan wadahalno waa Aan heshiino” inkastoo heshiiska xooggiisu uu ugacanta ugu jiro xubnaha labada golle iyo madaxdooda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirka koowaad, ayna masuuliyada koowaad ee xalka gaarista mushkiladda oogan ku dhacayso xubnaha labada golle iyo madaxdooda haddana waxaa lagama maarmaan ah in wax garadka, siyaasiyiinta ,culumo aw-diinka aqoonyahanadu intuba ay taageeraan bilowgaan iyo al-baabkaan wadahalada ee furmey hadda.
Innigoo maanka ku hayo inay dad badan oo xog-ogaal ahi qabaan dareen iyo saadaal muujinaysa inaysan xubnahna labada golle iyo madaxdooduba wali u bisleyn inay si dhab ah u jawahaan dhibaatada 16 jirsatay ee haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed. haddana waxaa waajib diini ah inaysan dadku ka quusan latacaalka mushkiladda ummaddeed ee markaas haysata waana habboon tahay haddii kuwaas illahay u gartay inay qaataan masuuliyadii shacabka Soomaaliyeed in haddii ay suurta gal tahay wax lala dhoodhoobo, Heshiiskaana loo arko bilow fiican illaa inta laga gaarayo meeshii ay ku dhiiqan jireen.
W.Q C/Shakuur Cali Mire
London, UK
Faafin: Alldalka, 07/01/2006
